Mood:
Taliyihii ciidamada dowladda ee gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan Muqtaar Xuseen Afrax oo ciidamo Ethiopian ah ay xireen ayaa maanta la siidaayay.
Col. Muqtaar oo 6 dii bishaan ciidamada Ethioipia ay ka kaxeysteen magaalada B/weyne ayaa maanta dib loogu soo celiyay xuriyaddiisa, ka dib markii muddo lagu hayay xero Militari oo ku taala caasimadda Somalia.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay in la sii daayay Taliyaha, ka dib shir Jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada B/weyne, iyagoo sheegay in aanu jirin wax shuruud ah oo lagu xirey.
Waxa ay sheegeen in taliyaha uu ka soo ambabixi doono magaalada Muqdisho, isla markaana uu sii mari doono magaalada Jowhar oo uu kaga sii gudbi doono gobolka Hiiraan.
Taliyahaan ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu sheegay in la cafiyay Gudoomiyihii maxkamadda islaamiga B/weyne Sheekh Faarax Macalin.
Mudugpost Media Network
Posted by mudugpost
at 12:01 AM EST
